Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka milatariga gobolka Mudug oo dhaqaale ay mushaarkooda kasoo jareen ugu deeqay Dhibbane Iiman Cabdiraxmaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Ciidanka milatariga Gobolka Mudug ayaa booqasho ugu tagay  Iiman Cabdiraxmaan oo ah dhibbane uu ku dhacay Kansarka raaca dhiiga iyo Dhuuxa, taasoo waayahaan dambe loo sameynayay dhaqaale ururin la doonayo in caafimaad dalka dibadiisa loogu qaado.

Saraakiisha iyo ciidanka booqday  Iiman Cabdiraxmaan ayaa waxay ugu deeqeen lacag ay Mushaarkooda kasoo jareen, 00 gaaraysa $1,010.00 (kun iyo Toban doolar. taasoo ay ku wareejiyeen guddiga gacanta dhaqaalaha gabadha loo aruurinayo.

Gabadhaan Bukaanka ah oo haatan lagu baxnaaninayo isbitaalka Dhagacade halkaas ayaa gurmadkeeda so xoogan uga socda guud ahaan Puntland, waxaana rajo weyn lagu qabaa in maalmaha soo socda loo qaadidoono dalka dibadiisa.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa kaalim muhiim ah ka qaadatay sidii gabadhaan xaaladeeda caafimaad loogu dabiibi lahaa dalka dibadiisa, maadaama aan dalka waxba looga qaban lahaa waxayna uqortay warqad caafimaad oo wasaaradda ka socota.

Dr. Cabdiqaadir Dhagacade, oo ah maamulada iyo mulkilaha isbitaalka GMC , ayaa u mahad celiyay ciidamada milatariga gobolka Mudug, ee isku xilqaamay inay ka qeyb qaataan gurmadka lacageed ee loo sameynayo Iiman C/raxmaan.

28576248_1971546322875463_54652877478892 28576582_1971546516208777_28280922143898 28577901_1971546329542129_49888001534807

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this