Sign in to follow this  
Deeq A.

‘’Al-Shabaabkii dhowr sano ka hor cashirka loo dhigay ayaa xiligaan qabsanaaya deegaano laga saaray’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib usoo xoogeysanayaan muddooyinkaan dambe, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Senoter  Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan aqalka sare.

Senoter Nuura Faarax Jaamac, oo u warameysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay qabaan walwal badan oo ka dhashay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Senoter Nuura Faarax Jaamac, waxa ay tilmaantay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib usii qabsanayaan deegaano laga saaray 6sano ka hor, waxa ayna taa ku tilmaantay nasiib darro muuqata.

‘’Waxaa noo muuqda inay jirto rajo xumi iyo habacsanaan dhanka amaanka ah, waxaan aad uga walwal sanahay in maleeshiyadu ay muddo lix sano kadib dib u qabsanayaan deegaano horay looga saaray’’

Waxa ay sheegtay in wakhtigaan deegaano ay dowladdu Gacanta ku heysay muddo ka badan 6sano in xiligaan Gacanta dowladda ay ka baxayaan, waxa ayna taa ku sheegtay nasiib darro usoo hoyaneysa dowlada.

Senoter Nuura Faarax, ayaa talaabooyinkaas oo idil ku sheegtay mid ay ugu wacan tahay dowlada Somalia oo ay ku sheegtay mid ka gaabisay duulaankii laga filaayay inay qaado.

Sidoo kale, waxa ay intaa raacisay in wax aad looga xumoodo ay tahay in dowlada Somalia aysan weli tayeen ciidamada Qaranka isla markaana la’isku haleeyay ciidamada AMISOM.

Senoter Nuura Faarax, waxa ay dowlada Somalia ugu baaqday inay la imaado rajo ka duwan kan ay afka un ka muujineyso, si meesha looga saaro awoodaha ay sheeganayaan Shabaabka.

Haddalka Senoter Nuura Faarax, ayaa kusoo beegmaaya xili ay maleeshiyaadka al-Shabaab dib ula wareegayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post ‘’Al-Shabaabkii dhowr sano ka hor cashirka loo dhigay ayaa xiligaan qabsanaaya deegaano laga saaray’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this