Sign in to follow this  
Deeq A.

Australia oo ku dhawaaqday malaayiin Dollar oo ay ku taageerayso Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Australiya ayaa ku dhawaaqday in ay gargaar bani’aadamnimo ufidinayso dadka ku nool Soomaaliya ee wajahaya colaadaha iyo abaaraha.

Australia waxay horey u sheegtay inay 17 milyan oo dollar sannadkii 2017 ku caawisay Soomaaliya, si looga hortago macluushii baahsanayd ee waddanka ka jirtay, sannadkaan 2018 waxay kaloo sheegtay inay 6 milyan oo Soomaali ah u baahan yihiin gargaar bini’aadinimo, dadkaasina labo milyan oo kamid ah waa barakacayaal iyo carruur.

Australia waxay bixinaysaa $5.5 milyan oo loogu talo galay, gargaarka cuntada, biyaha nadiifka ah iyo in hoy loogu dhiso dadka nugul. Dowladda Australia waxay sheegtay gargaarkaan inay usii marindoonto hay’addaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Kaalinta bani’aadamnimo ee Australia waxay gacan ka geysaneysaa caawinta bulshada si kor loogu qaado horumarinta beeraha iyo maareynta maaliyadeed si ay shacabku u noqon karaan kuwo u adkeysan kara abaarta.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this