Deeq A. Posted March 5, 2018 Warsaxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Soomaaliland ayaa looga hadlay hadallo ay warbaahinta mariyeen mas’uuliyiinta asxaabta mucaaradka ah , madaxtooyadda waxaa ay beenisay in madaxweyne Biixi uu qoraal raalligalin ah u direy, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe. Madaxtooyada Soomaaliland, waxaa kalo ay ka jawaabtay shir saxaafadeed uu maanta qabtey guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo xukuumadda ku dhaliilay heshiiska dekedda Berbera oo u sheegay inuu ka soo horjeedo. “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu xasuusinaynnaa in Heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey… waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka JSL siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawladdo, shirkaddo ama ururro caalami ah. Isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya -Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan.Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu qiray maanta, Xukuumadda JSL waxa ay awood u leedahay wax-ka-beddelka iyo kaabista heshiisyada, haddii ay u aragto in ay ku jirto dan Qaran. Intaas kaddib ayay marisaa Xukuumaddu Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka. “Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaanu leennahay, (Baroortu orgiga ka weyn) ee onkodoow, xeeshaa dhac.”ayaa lugu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliland. Share this post Link to post Share on other sites