Deeq A. Posted March 5, 2018 Duqa Cusub ee sida ku meel-gaarka ah madaxweyne Gaas u magacaaay,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay arrimaha amniga,dhismaha golaha degaanka iyo qaadista canshuuraha degmada Boosaaso. Duqa cusub ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa markii uu gaaray magaalada Boosaaso,waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu hoggaaminayo duqii hore degmada Boosaaso,ganacsato iyo dadweyne kale. Mudane.Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo hadal kooban u jeediyay shacabka magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay hortaallo shaqo culus oo u baahan in si midnimo ah lagu wajaho,isagoo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha Boosaaso ka codsaday in ay kala shaqeeyaan arrimaha sugidda amniga iyo qaadista canshuuraha inta laga soo dhisayo gole degaan oo cusub. Si gaar ah duqa ayaa shacabka ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestaan kuwa amni-darrada iyo khalkalka ku haya xasiloonida magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo dadka canshuuraha diida,isagoo ballan qaaday in canshuurta ay bixiyaan dadka reer Boosaaso aanay meel qaldan ku dhici doonin. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Daawo: Duqa Cusub ee Boosaaso oo shacabka la hadlay. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites