Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ” Nama quseeyo Hadalka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya Soomaaliland waa dal Madax banaan heshiiskana Waxaa noo Saxiixay Baarlamaanka Soomaaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

iyadoo dowladda Fadaraalka soomaaliya ay dhawaan qaadacday heshiiskii sharcidarada ahaa ee ay kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada DP World ee saamiga laga siiyay dowladda  Itoobiya ayaa aritaasi waxaa ka jawaabay oo Go,aanka ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ganafka utuuray oo qaadacay Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo lahadlay Warbaahinta Imaaraadka Carabta.

 

Waxa uu Yiri Suldaan Ahmed Bin Suleymaan” nama qusayso waxa ay leedahay dowladda Fadaraalka Soomaaliya , Soomaaliland waa dowladda Madax banaa need  mudo 28 sano  ah ,waana meel xasiloon oo ay Dimuqraadiyadi ay ka jirto, Mashruucayaga waxa uu helay ogolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliland , Ma awoodikarto Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya in ay wax badasho aan ka ahayn hadalo ay jeediyaan oo aan anagu joojin karin, howshu waa ay noo socotaa Mashruucanna xil baa naga saaran waan ilaalinaynaa anaga iyo kuwa aan nahay shuraakada ee Soomaaliland iyo Itoobiya .

Mar uu ka hadlay oo wax laga waydiiyay heshiiskii Jabuuti ay kabaxday ayaa waxa uu ku jawaabay “Jabuuti Maxkamada aan uga dacwoonay waa isla Maxkamadii ay naga soo dacweeyeen , goaanka ay Maxkamada  soo saarto waxaan filaynaa in naloo  xukumo heshiiskii Jabuuti ,fulinta iyo go,aanka Maxkamada waxaa jiridoona ganaax iyo Magdhaw laxiriira sumacadayada iyo qaabka ay noola dhaqmeen Jabuuti  ,run ahaantii Jabuuti heshiiska oo kaliya  ma ay san bur burin balse waxa ay xoog kula wareegeen Dekeda ,anaga oo leh qayb kamid ah  waan kaxunahay waxa ay talaabadasi dhaawacaysaa Jabuuti iyo dowladdaha Afrika anaga wax wayn nama ay san soo gaarin ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this