Sign in to follow this  
Deeq A.

Bacaha madow oo udub-dhexaad u noqday amni-darrada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaadiidka lagu dhejiyay bacaha madow ee beersoolka loo yaqaan ayaa buuxiyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland,xilli ay soo badanayso tuugada sida bareerka ah dhaca ugu geysanaya shacabka ku nool Garoowe.

Waddooyinka waaweyn ee Garoowe ayaa lagu arkayaa gawaari badan oo nooca raaxada ah,kuwaasoo lagu soo dhejiyay bacaha madow ee beersoolka Somalidu tiraahdo,waxaana mararka qaar dadweynuhu sheegaya in dukaamada ay dhac u geysanayan dhalinyaro wadata gawaari beersool ah.

Shacabka magaalada Garoowe ayaa aad uga cabayana gaadiidkan bacaha madow lagu qariyay oo qaarkood ay adeegsanayaan dhalinyaro habeenkii xaafadaha magaalada dhac iyo fowdo ka geysta.

Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa dadweynuhu ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban dhibaatada gaadiidka beersoolka ah uu ku hayo magaalada iyo dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo fowdada ka geysta xaafadaha Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Bacaha madow oo udub-dhexaad u noqday amni-darrada Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this