Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Gudigii Gurmadka Qaraxii Zoobe Oo Soo Gaba gabeeyay Shaqadii loo igmaday Faah faahina ka bixiyay Sidii ay umaareeyeen Dhaqaalihii Soogalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigii gurmadka ee Qaraxii 14-October ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kuna howlanaa gurmadka loo fidinayo dadkii wax yeelada ay ka soo gaartay Qaraxaasi dadka badan ay ku dhinteen ayaa maanta shaaciyay in ay soo gaba gabeeyeen shaqadii ay hayeen  mudo hada laga joogo Afar bil iyo 20-cisho.

 

Gudiyaga ayaa Munaasibada balaaran oo ay ku qabteen Aqalka dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayay  go,aankan kaga dhawaaqeen  , waxaana Munaasibada ka soo qayb galay  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Yariisow iyo  Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Gudiga ayaa waxa ay madasha ku soo ban dhigeen dhaqaalihii soo galay mudadii ay shaqada hayeen ,sida ay umaareeyeen, iyo tirada dakii lasiiyay dhaqaalahaasi , Caruurtii ku Agoomowday iyo sida ay Hay,aduhu uqayb sadeen ka faala qaadkooda.

Hadaba halkan ka dhagayso Gudoomiyaha Gudigii Gurmadka Qaraxii Zoobe C/llaahi Shirwac.

      150105_005 - My Recording

2-14.jpg 3-12.jpg 4-12.jpg 5-9.jpg 6-8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this