Sign in to follow this  
Deeq A.

DP World ” Dowlada Soomaaliya Ma quseeyo heshiiskii aan la galnay Soomaaliland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkada DP-World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay hadal ka soo yeeray Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Sheekh Sultaan Axmed Ibnu Saliim oo ah Madaxa ugu sareeyo ee Shirkada DP World ayaa si caro leh uga jawaabay hadalka Ra’isilwasaare Kheyre isaga oo sheegay in Dowlada Soomaaliya aanay quseeynin heshiiskaasi.

Sultaan Axmed Ibnu Saliim ayaa yiri  “Nama khuseeyaan waxa kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya, Somaliland waa dal madax-bannaan 28 sano”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya aanay awoodin in ay soo faragaliso heshiiskaasi isaga oo sheegay in uu ku koobanyahay oo kale sadaxda dhinac ee heshiiska galay sida Soomaliland, DP World iyo Dowlada Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in aan lakala tashan islamarkaasina uu yahay sharci daro heshiiskii Soomaaliland iyo DP World dhexmaray.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post DP World ” Dowlada Soomaaliya Ma quseeyo heshiiskii aan la galnay Soomaaliland” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this