Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Cusub oo maanta la hadlaya shacabka Boosaaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Cusub ee sida ku meel-gaarka ah madaxweyne Gaas ugu magacaaay magaalada Boosaaso ayaa maanta markii u horraysay ka hadli doona xilka loo dhiibay iyo hawlaha u qorshaysan.

Mudane. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo horay u ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda dowladda Puntland ayaa madaxweyne Gaas,si ku meel-gaar ah ugu magacaabay duqa magaalada Boosaaso,kadib markii uu xilka qaadis ku sameeyay,Eng. Yaasiin Mire Maxammed oo ahaa duqa Boosaaso,islamarkaana uu kala diray golihii degaanka oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo khilaaf joogta ah.

Duqa Cusub ee Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa la filayaa in uu maanta la hadlo shacabka magaalada Boosaaso,isagoo si gaar ah diiradda u saaraya arrimo ku aaddan amniga degmadaasi.

wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Duqa Cusub oo maanta la hadlaya shacabka Boosaaso. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this