Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Barakacayaasha iyo Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanayo oo ka dhacaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Taariikhdu ay ku beegantahay 05.03.2018-ka ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanayo Dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeeybgali doono madaxda Dowlada Xubnaha maamul Goboleedyada iyo ha’adaha Qaramada Midoobay ee arimaha Barakacayaasha.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay Qodobada shirkaasi looga hadlayo waxaana kamid ah :-

1-Xaaladda Dhabta ah oo Barakacayaasha Muqdisho ku noolyihiin.

2- Xaaladda amniga ee kaamamka Barakacayaasha.

3- Xaaladda Deegaannada ay ku noolyihiin Barakacayaasha.

4- Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

5- Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Shirkaan oo hal maalin kale ah soconayo ayaa gaba gabadiisa laga soo saari doono War-Murtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay shirka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Shir ku saabsan Barakacayaasha iyo Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanayo oo ka dhacaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this