Sign in to follow this  
Deeq A.

Eng Yariisoow” Waxaan ka hortagnay qaraxyo ka dhici Lahaa Muqdisho”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka hadlay sababihii loo xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiye yariisoow ayaa ugu horeeyn shacabka Muqdisho ka raali galiyay xirnaashiyihii wadooyinka Muqdisho dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay

“Shacabka ku nool Caasimadda waxaan uga cudur-daaranaynaa maalmihii koobnaa ee sababo la xiriira amniga u xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. ayuu yiri Gudoomiyaha

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ka hortageen muddooyinkii ay xirnaayeen wadooyinka qaraxyo iyo falal amni daro oo Al-Shabaab ay doonayeen in ay ka geeystaan Muqdisho.

“Waqtigii ay xirnaayeen waddooyinku waxaa laga hortagay falal abaabulan oo kooxaha argagixisadu la doonayeen shacabkeena, sugitaanka amnigu waa masuuliyad weyn oo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka bulshadeenna” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Afartii maalin ee la soo dhaafay waxaa xirnaa wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo dadka cabasho balaaran ay ka muujinayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Cod-Yariisoow-Cowke-PP.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post-Muqdisho

The post Eng Yariisoow” Waxaan ka hortagnay qaraxyo ka dhici Lahaa Muqdisho” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this