Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo AMISOM ku wareejiyay Hub looga soo badbadiyay al-Shabaabkii weerarka ka geystay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta Hub laga badbaadiyay maleeshiyada al-Shabaab ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Hubkaan uu maamulka ku wareejiyay Saraakiisha AMISOM ayaa Jimcihii la soo dhaafay laga soo badbaadiyay al-Shabaab kadib dagaalkii ka dhacay degmada Balcad.

Hubkaan oo u badnaa mid ka culus iyo rasaastooda ayaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxa ay kaga tageen wadada Haansheekh ee degmada Balcad kadib weerar jidgal ah oo ay ku sameeyen al-Shabaab.

Goobta lagu wareejinaayay Hubka ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha ciidamada booliska Hirshabeelle Kornel Xasan Dhicisow waxaana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Miltarigaba ay ka soo qabteen al-Shabaab.

Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa lagu wareejiyay 2 qori oo noocoodu yahay dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxaana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hub-1-640x382.jpg?resize=489%2C292

hub-wareejin-5-640x360.png?resize=497%2C280Hub-2-480x480.jpg?resize=480%2C480

Hub-3-480x480.jpg?resize=480%2C480

Hub-4-270x480.jpg?resize=478%2C850

 

 

The post Sawirro: Ciidamada DF oo AMISOM ku wareejiyay Hub looga soo badbadiyay al-Shabaabkii weerarka ka geystay Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this