Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada difaaca oo shaaca ka qaaday in al-Shabaab ay damacsan yihiin fulinta weeraro culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa daboolka ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wadaan qorshayaal cusub oo ay ku geysanayaan weeraro.

Wasiir Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ku howlan yihiin fulinta weeraro dhowr ah, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Qaranka laga doonaayo inay ka feejignaadan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerar kasta oo ka yimaada dhanka al-Shabaab.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaa uu tilmaamay in Shabaab ay waddaan qorshayaal cusub oo ka dhan ah dowladda , islamarkaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe cusub.

Waxa uu Wasiirka hadalkaan sheegay xili uu tababar u furay cutubyo ka tirsan ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Geesta kale, Wasiirka ayaa ku baaqay in si dhaba loogu midoobo maleeshiyaadka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Wasaarada difaaca oo shaaca ka qaaday in al-Shabaab ay damacsan yihiin fulinta weeraro culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this