Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaabiistan oo maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah .

R/wasaare ku-xigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashay siideynta muwaadiniinteeda oo ku xir-xiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay ee Ku harsaneyd Hindiya,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76-na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtay Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaalla dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaanno Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geysta dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

1.jpg?resize=640%2C480 2.jpg?resize=480%2C640 3.jpg?resize=640%2C480 4.jpg?resize=640%2C480

The post Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this