Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab aastay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Miino-la-qarxiyay.png?resize=622%2C350

Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta degaannada Balli-khadar iyo Galgala ee gobolka Bari,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF oo muddooyinkii dambe hawlgal ballaaran ka waday waddooyinka u dhexeeya degaannada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Calmadow ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan ilaa 4 miino oo Al-shabaab ay doonaysay in ay ku dhibaatayso ciidamada dowladda Puntland.

Taliska PSF aya sidoo kale sheegay in mudadii ay hawlgal ku jireen ay shacabka degaannaas la yeesheen kulmo wacyi-gelin ah oo ku saabsan gacan-siinta ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira malayshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab,waxaana talisku ballan qaaday in ay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab aastay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this