Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo beeniyay in ciidamo gadoodsan qabsadeen xarumo dowladdeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulaahi Mohamed Barre Caato ayaa beeniyey inay Ciidamo Gadoodsan qabsadeen Wasaarada maaliyada iyo Bangiga Qardho isagoona wax laga xumaado ku tilaamay Wararka been abuurka ah oo ay saxaafadu qortay.

Guddoomiyaha Karkaar ayaa sheegay inay jireen ciidamo xarumahoodii kasoo baxay, balse markii dambe ku guulaysteen in xal laga gaaro, arrintaan, lkn wuxuu meesha ka saaray wararka warbaahintu qortay ee ku saabsan in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen xarumo dowladdeed.

“Waxaa wax laga xishoodo ah dadka baraha bulshada beenta soo dhigaya ee Qardho ciidan gadooday baa qabsaday. Waa been iyo masuulid darro la isku maaweelinayo.
Waxaan uga digayaa dadka faafinaya amman darrada iyo shidda abuurka inay ka waantoobaan dhaqankaas. Qardho waa nabad dhibna kama jiro ee sharafta ha la dhowro.
Mahadsanid,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this