Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dream ! ! !

Recommended Posts

Asalaamu calaykum ,,,,

 

Horta aan ku bilaabo e, xalay uun baan ogaaday inaad dhamaantiin saaxiibbaday tihiin ,,,, maxaa dhacay ???

 

Waa sidan,,

 

Xalay waxa aan seexday abbaaro 12:30 habeenimo ka dib markii aan daawaday Comedy Movie oo aad u fiicnaa oo aan ka helay mid ka mid ah channels ka TVga.

 

Laga soo bilaabo markaan seexday ilaa subaxnimadii 6:00 waxa aan ku riyoonayay anigoo dhex jooga asxaabtayda SOL ,,,,, oo kolba mid salaamaya oo kolba qof la is kaaya barayo. Su'aasha aan qof kasta waydiinayay waxa ay ahayd Ii sheeg magacaaga runta ah marka laga tago kii aanu kuu naqaanay in SOL ....

 

Dadka aan la kulmay ee weliba sheekada dheer iyo kaftanku na nex maray waxa uu ahaa Nuune ... waxa uu u ekaa nin aad u furfuran oo kaftan yaqaan ah (My favorate) ,,,, inkasta oo da'dii aan ka filayay uu ka weynaa waxaanan xasuustaa anigoo ku leh "oo inaad intan ka da' yar tahay baan ku moodayee"

 

Intaas baan ka xasuustaa riyadii xalay ,,,,

 

Sideed u aragtaan idinkuna ???????

 

Qof sidaas oo kele ay ku dhacdayse ma jiraa mise aniga uunbaa idin jecel ?????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koley nama jeclidi oo waxaad nagu jeclaato meesha ma yaalaane, maad cadeysatid qasadkaaga inuu yahay wiilo, oo ayaantaanba qorshaha kuugu jirtay, waana maqlay iney kugu gacan seertay guurkii iyo howlihii aad isla gaarteen oo nin aan la fileyn hoostiin kasoo baxay, gabartiina ku seejiyay. :D:D

 

Jacalybaro,

 

Waxaan duco aheyn kuguma fadhiyo halkaan, ee waxna ha niyad jabine, orod midkale soo qabo. Waliba waxaan farta kuugu fiiqayaa midii maalin hore ku laheyd, "ala wiilku dheeraa". Ugu yaraan waa kujeceshahay midaas. Aan kugu xiree hada soo qabo, wiilana halkaas hakugu daayo wareerkeeda.

 

icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta waa marka aan qalbi jilaycaaga la yaabo ,,,, waar marka ay ku aragto uunbay ka dhigtaa meel aan waxba jirin ,,,

 

Midda kele ,, wallacaa arrimahaas iska leh oo sannifaad badan bay yeeshaane iska yara sug way ka bixiye :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninyahow aniga makala saari karo naag walacsan iyo mid kibirsan. Horta walacaan la sheego raga maku dhacaa, muxuuse yahay sidiisaba? Aniga waan maqlaa laakiin caawa alle noocuu yahay garan maayo!

 

Bal iiga sharqami arintaas aan dhageystee qibradii aad dumarka u laheyd. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallacu waa wax dumarka ku dhaca maka ,,,,, ee ....... waana uu u kala duwan yahay,, qaarkood wax bay jeclaadaan (jantaan) ,, sida xalwad, besbaas,, dhuxul ,,, Mallaay,,, hilib shiilan,,, digaag ,, qofba sida uu ku yahay ,,, qaarkood waxa ay jeclaadaan raggooda oo aanay uba oggolaan xataa inay musqusha aadaan iyadoo aad arkayso qaar daba socda ragoodii oo musqusha aadaya oo inta uu ka soo baxayo is hor taagaya ,, qar kele uu la galana waa la sheegayay :D:D

 

Inta badan waxaa la jeclanayo waxa dhinac socda waxyaalo la nacaayo ,,, qaarkood baa nooc ka mid ah cadarrada aan la tusin,,, qaar baa cuntooyinka nooc ka mid ah kuba xanuunsada oo aan arki karin ... kuwase ugu darani waa kuwa raggooda naca oo aan la soo marsiin karin labadooda wejina aanay is qaban karin taas oo ragga ku kellifta mararka qaarkood inay guriga ka maqnaadaan inta ay gabartu wallac dhamaysanayso oo inta badan aan dhaafin afarta bilood ee ugu horeeya ,,,,

 

Waxa ay inta badan isku mid ka yihiin lalabo badan iyo matag ,,, iyadoo taasina ay sababto inay had iyo goor si xad dhaaf ah u isticmaalaan Liinta iyo cusbada oo ay ka dhowrayaan inay lalabada ka biiso ama ka qafiifiso.

 

Ilaa hadda lama soo sheegin wallac rag ku dhacay waxaase la filayaa 5 ta sanno ee soo socda in la heli doono raggii ugu horeeyay oo wallacay muddo 2000 oo sanno laga joogo ,,,, meelaha sida aadka ah looga filaayana waxa ka mid ah Somalia :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaamaad minkuli Aafaad! Ilaahoow naga baxso masiibadaas laga sheegayo walaca. War jacaylbaro, xageed kusoo baratay balaayadaas walaca laga sheegayo, alow alle! Waa nin meel daran iyo meel rag ku jabay intaba taagnaa. Ilaahoow haku cadaabin, waxaan ku weeydiiyay walaal, hadii uu ragana kusoo socdo walaca sida aad sheegtay sanadka 2005, soo ma dhici karto inuu caruurtana ku dhaco sanadka 2010-ka?

 

Maxay kula tahay taasna?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Wallaahi runtii aniga aad iyo aad baan u qoslay markii aan aqriyay dhammaan qoraalkiinii heedhe garanaye riyadaadee aniga maxaa meesha i keenay waan yaabanahaye.

 

Horta aniga wali kuma riyoon aqayaarta Sol balse way jirtaa dhowr jeer oo aan ka fakaray dhammaan dhaliyada meeshe ku baashaasha. Sida runta ah qofku markii uu riyoodo waxaa qeyrku ku jiraa in riyadaa soo fasiro ama lagu badalo wax qeyr ah. Marka waxay ila tahay inaad jeceshahay dhammaan aqyaartaada Sol kana fakarto mar walba.

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

kkkkkkkkkkkkkk,,,, Walaahi waad iga qoslisay ,,,, indhaaba illin iga timid ,,,

 

Arrinta caruurta ayaa iyadu ilaa haatan ah ta dadka ka wareerisay iyadoo aan weli la haynin wax calaamado ah oo muujinaya inuu caruurta ku dhici karo ,, culimada qaar ayaa sheegaya in caruurta aanu ku dhici karin sababta oo ah hore bay caloosha hooyada ugu soo arkeen taas oo aan suurtagal ka dhigaynin inay qaadaan xilliga caruurnimada ,,,,

 

Wiil 5 sanno jiray oo hunqaacayay kaas oo wax laga waydiiyay inuu walacayo iyo in kele ayaa sheegay in uu muddo 3 sanno ahba ilaahay ka baryayay inuu walaca ka ilaaliyo isla markaana aanuu filaynin inuu ku dhici doono 15 ka sanno ee soo socda .... wiilku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "waan ogaa wixii hooyaday ku dhacay markii aan caloosha ugu jiray ,,, aad baanan uga xumaan jiray mar kasta oo aan arko iyadoo wallacaysa ,,,, runtiina cashar la ma ilaawaan ah iigu filan intaasi ,,,,,, bal waan fiirin doonaa inkasta oo tallaal aan ku soo qaatay caloosha la ii sheegay inuu wallaca iga ilaalinayo ilaa 20 ka sanno ee ugu horeeya noloshayda inta aan adduunka joogo "

 

Liinta iyo cusbada ayaa iyadana la sheegayaa inay caruurta deris lama ilaawaan ah u dhigto iyagoo la xanshashaqaya una sheegaya inuu wallacu wax daran yahay

 

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga waan jiif tagayaa, marka sidaas hanoo ahaato, bal walaca iyo riyada halagu dadaalo ineey is feer ordaan si macna buuxa looga soo saaro, insha allah.

 

Aniga shaqsi ahaan, waxaan oran lahaa waa in la helaa astaamaha iyo farqiga u dhexeeyo gabdhaha kibirsan iyo kuwaca walacu hayo. Si yacni loogu cudurdaaro kuwa walaca la xanuunsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daraasad la sameeyay 1995 kii ayaa sheegtay in si fudud lagu kala ogaan karo wallaca iyo kibirka ,,,,, daraasaddu waxa ay sheegtay simply in caloosha gudaheeda la khaawisayo ,,, taas oo si fudud u kala saaraysa labadaas xaaladood.

 

Waxa beri ka dhacday dalka Poland in gabar ay isku darsatay wallac iyo kibir taas oo sababtay inay markiiba geeriyooto ,,,,, sidaas awgeed hadii qofka ay labadaas xaaladood ku kulmaan waxa 90% la sheegayaa inay sababto dhimasho degdeg ah ,,,,

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this