Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas Gaas oo kulan la qaatay gudoomiyeyaashaa gobolada Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Gaas ayaa  kulan gaara xafiiskiisa kula qaatey Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa kulankan uu la qaatey  Gudoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Gudoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan yahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xalaad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis, gobolada sida gaarka ah ay abaaruhu u saameeyeena ay ka mid yihiin Gobolada Sanaag, Hayland, Kar Kaar iyo qaybo kamida Gobolka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaash-macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kale looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu ceel biyoodkii ugu horeeyay ka hirgalinayo  Gobolka Gardfuu.

IMG_3155.jpg IMG_3160.jpg IMG_3162.jpg IMG_9894.jpgIMG_9894.jpg IMG_3162.jpg IMG_3160.jpg IMG_3155.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this