Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay ceel-biyoodkii ugu horreeyay ee laga hirgelinayo Gardafuu.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ku dhawaaqay taariikhda markii u horraysay in ceel-biyood riig ah laga hirgelinayo gobolka Gardafuu ee Puntland oo biyo la’aan baahsan ay ka jirto.

Isagoo ka hadlayey kulan uu maanta Xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe kula yeeshay guddoomiyaasha gobollada Puntland, ayaa madaxweyne Gaas shacabka gobolka Gardafuu ku hambalyeeyay ceel-biyoodkii u horreeyay ee la gaarsiinayo tan markii Soomaaliya xorriyadda qaadatay sannadkii 1960.

Gobolka Gardafuu ee Puntland oo ay xilligaan ay ka jirto abaar daran ayaa sidoo kale laga soo sheegaya biyo la’aan baahsan,iyadoo ay liidato xaaladda dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaasi oo aan wax ceelal-biyood ah lahayn,sidoo kalena aysan ka dhisnayn hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay ceel-biyoodkii ugu horreeyay ee laga hirgelinayo Gardafuu. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this