Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Gadoodsan Oo lawareegay Maanta Xaruntii Bangiga Dhexe iyo Xafiiskii Maaliyada Ee Degmada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan ku wa Birmadka Puntland oo gadoodsan  goor sii horaysay oo maanta ah ay lawareegeen  xarumo muhiim ah oo ay dowladdu leedahay oo ku yaalay  degmada Qardho .

Xarumaha ay Ciidamadani lawareegeen ayaa waxaa ka mid ah  Xaruntii Bangiga dhexe ee degmada Qardho,  iyo Xafiiskii Wasaarada Maaliyada.

Saraakiisha Ciidamadan horkacaysa ayaa sheegtay in sababta keentay Gadoodka Ciidamadan  ay tahay Mushahar la,aan mudo dhowr bilood ah oo aysan helid Ciidamadan wax Musha haraad ah.

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta ee degmada Qardho oo aan isku dayau in  Warsidaha Puntlandi  uu la xiriiro si uu wax uga waydiiyo arintan ayaa  noo suurata galin in aan Qadka ku helno.

Halkan kala soco wixii ku soo kordha Warkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this