Sign in to follow this  
Deeq A.

Askartii saaka la wareegay xarunta Maaliyadda Qardho oo la qanciyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ayaa sheegaya in la qanciyay  askar ka tirsan ciidanka Birmadka dowladda Puntland oo lawareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Qardho,islamarkaana ay dib u fureen xarumihii ay saaka xireen.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa,sida wararku sheegayan askartaasi ugu yeeray xarunta gobolka ee  magaalada Qardho,waxaana lagu wargeliyay in si dhakhso ah loo siinayo lacaga mushaharka ah ee ka maqan.

Askarta  ayaa ka cabanaya mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,waxayna  shalay Wasaaradda ka diideen in ay ka qaataan qeyb kamid ah mushaharkooda,inta kalena ay sugaan ilaa laga helayo,sida uu xaqiiyay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo diiday in magaciisa la xigto.

PUNTLAND POST

 

 

 

The post Askartii saaka la wareegay xarunta Maaliyadda Qardho oo la qanciyay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this