Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug oo Kormeer ku Tagay degmooyinka Galdagob iyo Bursaalax.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa kormeer ku tagay dusiyada waxbarasho ee Degmooyinka Galdagob iyo Buursalax iyo tuulooyinka.

Waxay kala yihiin dugsiyada uu booqday guddoomiyuhu sida, dugsiga Xero Jaale, Imaam Shaafici, Imaamu Nawawi, Galdagob, Caynu Shamsi, Kulmiye, Cali Daahir, Al Nuur, Baxru Cuulim, Siraaju Muniira, Al Rawda, Jeexo, Qansaxle, Rigoomane, New Daarusalam, Daaru salaam, Kuweyt, Laanmadaw, Ciiro, Bursaalax Secondary, Bursaalax Primary, Rajo, Caynu Cilmi, Nuuryaqiin iyo Nuuradiin.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka ayaa fasalada iyo safafka kala qayb galay ardayda, isaga oo si khaasa ula la kulmayey ardayda fasalada 8aad iyo Form Four rada, waxaa uu ka wacyigaliyey inay waxabarashada wataan oo aysan dayicin waqtiga ay siiyeen walidiintooda.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa aad looga soo dhaweeyey Degaanada uu ku tagay kormeerka isagoo u kuur galay xaaladaha waxbarashada ka jira degaanka. waxa soo dhaweeyey oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Maamulka, Macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta ku nool degaankaas.

Sidoo kale waxaa Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Mudug la kulmay Ardayda dhigata Jaamacadaha Bariga Africa ee degmada Galdagob.

Safarka ayaa sidoo kale Gudoomiyahu Diirada ku saarayey habsami u socodka waxbarashada iyo hubinta suurta galka shaqooyinka hay’adaha ka soo baxay shaqadii la wadageen Gobolka Waxbarashada.

Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in hay’adddaha shaqada ka wada deegaanada Mudug shaqooyinkooda la hubiyo, markuu arkay mashaariic badan oo soo laalaabtay iyo meela aan waxba laga fulin.

DAAWO SAWIRRADA.

28472101_577112842622033_264772861932309 28472101_577112842622033_264772861932309 28575928_577113322621985_715753216058351 28576506_577113115955339_608570064714407 28576596_577112862622031_718446689117837 28576762_577113212621996_238419131624348 28577472_577112755955375_485396115175609 28577923_577113152622002_874906623015072 28577923_577113152622002_874906623015072 28660634_577113305955320_365447590592694 28661253_577113442621973_288966998283502

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this