Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf xooggan oo hareeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamud ayaa cabasho ka muujiyay shaqada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,taasoo uu ku eedeeyay in ay udub-dhexaad u tahay khilaafka ka dhashay dib-u-eegista Dastuurka dalka.

Xoghaye, Xuseen Sheekh Maxamud oo cuskanaya qodobbo kamid ah Dastuurka,ayaa sheegay in shaqada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay ku koobantahay, fududeynta howlaha labada guddi ee kala ah; Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista Dastuurka, isku xirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in si gaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay inay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad goboleed.

Laakiin wuxuu Wasaaradda ku eedeeyay in ay la wareegtay shaqadii, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista Dastuurka ee ahayd in la turxaan-bixiyo oo wax ka beddel lagu sameeyo qodobada dib-u-eegista u baahan ee Dastuurka Soomaaliya,isagoo xusay in arrintaasi ay dhalisay  khilaaf hareeyay hawlihii socday,islamarkaana curyaamiyay shaqadii labada guddi ee arrimahan u xilsaarnaa.

Dhinaca kale hay’adaha Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay in ay faro-gelin xoggan ku hayaan arrimaha dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya,iyagoo sida uu sheegay doonaya in ay Soomaalida u yeeriyaan qodobada wax ka beddelka u baahan ee Dastuurka,taasoo ay uga faa’idaysanayan lacagaha ay ku bixiyaan hawlahaan.

Xoghaye, Xuseen Sheekh Maxamud ayaa tilmaamay in mudadii ay socotay shaqada samaynta iyo dib-u-eegista Dastuurka ay ku baxday lacag gaaraysa $60 malyan oo Dollar-ka Maraykanka ah,taasoo uu sheegay in siyaabo qaldan loo isticmaaley oo ay cid gaar ah jeebka u gashay.

Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo uu  Xoghayaha ka yahay xildhibaanka ayaa shaqadoodu tahay,in ay la socdan oo ansixiyaan howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Halkaan ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay

Soomaaliya waxaa ay soo martey taariikh Dastuur sameyn laga soo bilaabo xiligii xoriyadda. Waxaa jira ilaa afar Dastuur iyo laba Axdi oo la sameeyey tan iyo intii aan xoriyadda qaadanay. Waxaa ay kala ahaayeen sidatan; Dastuurkii 1960, Dastuurkii 1979, midkii 1990 la diyaariyey iyo kan hadda aan haysano ee 2012. Sidoo kale waxaa jirey laba Axdi KMG oo kala ahaa kii Carta 2000 iyo Axdigii Federaalka ee 2004.

Dastuurka hadda inoo yaala una baahan dib u eegista waxaa uu marayaa sanadkii 6aad oo uu keliya u baahan yahay dib u eegis iyo dhameystir shaqadii la soo qabtey 2012. Sida aad ka arkeysaan farqiga u dhaxeeya Axdiga 2004 iyo ansixinta Kumeel gaarka ee 2012 la ansixiyey Dastuurkan, waxaa uu soo jiitamayey ilaa ilaa 8 sanno in la helo qabyo qoraalka Dastuurka aan hadda haysano. Balse waxaa la siimaraya in qabyada la dhameystiro 6 sano ayadoo aan weli la ogeyn goorta uu dhamaan doono.

Sida uu qabo Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 gaar ahaan qodobada 63aad iyo 71aad, awoodda wax ka bedelka Dastuurkan waxaa iska leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu doortey Guddi ka kooban 10 xubnood sida uu qabo qodobka 133aad ee Dastuurka. Guddigan oo loo yaqaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegitsa Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la soconaya, tilmaamaya, islamarkaana ansixinaya howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, guddigaas oo uu dhisayo Qodobka 134 si uu u sameeyo wax-ka-beddelka Dastuurka iyo qoris shuruucda. Sidoo kale qodobada 133 iyo 134 ayaa qaba in Dawlad goboleed kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ay min hal ergey ku soo darsadaan labada Guddi (Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan). Wasaaradda arimaha Dastuurka dowrkeeda dib u eegista Dastuurka waxaa ugu muhiimsan fududeynta howlaha labada guddi, isku xirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in si gaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay inay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad goboleed sida qodobada 44, 54 iyo 122. Waxaa intaas dheer in dawlad goboleed kasta ay leedahay wasaarad dastuur iyo guddiyo Baarlamaan oo si gaar ah ay tahay inay dowr ku yeeshaan dib u eegista Dastuurka.

Qormadan gaaban waxaan u qorayaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago fahamkayga mudadii halka sano ku dhowaadka ahayd ee aan ka tirsanaa Guddiga La socodka dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si aan u ifiyo meesha ay wax marayaan iyo caqabadaha jira.

Ilaa iyo inta uu dhisnaa Baarlamaanka 10aad iyo Xukuumadda hadda shaqeysa waxaa jirey dadaalo badan oo ah in howsha dib u eegista Dastuurka ay horey u socoto. Waxaa la dhameystirey labada guddi ee aan kor ku soo xusey, waxaa la diyaariyey Qorshaha Tubta dib u eegista Dastuurka iyo in la saxiixay Is-afgarad dhexmarey hay’adaha heer federal ee loo xilsaarey dib u eegista Dastuurka, inkastoo aaney weli jirin is-faham la taaban karo. Balse waxaa jira xaqiiqo aanan ka qarin karin Bulshada Soomaaliyeed oo ah in aan weli wax la taaban karo la qabanin dhowr caqabadood darteed. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:

  1. Qaabdhismeedyo tiro badan: Sida aad ku aragteen horudhaca qoraalkayga, waxaa jira qaabdhismeedyo tira badan oo horseedaya inuu adkaado qaabka go’aan qaadashada islamarkaana keenaya khilaafaad joogto ah. Waxaa jira Baarlamaanka Federaalka (Guddiga La socodka), Wasaaradda Dastuurka ee Federaalka, Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, Baarlamaanada dawlad goboleedyada (guddiyada dastuurka), la taaliyaal xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha iyo sida laga yaabo kuwa lataliya dawlad goboleedyada. Tusaalooyinkaas waa hay’adaha Dawliga ee Soomaaliya oo keliya!
  2. Mudnaansiinta dib u eegista Dastuurka: Marka laga hadlayo in dawladi arin muhiimad siinayso waxaa lagu gartaa in miisaaniyad la siiyo, laga dhigo qorshayaasha ugu horeeya, ka hadalkeeda la badiyo islamarkaana ficil lala yimaado degdeg wax looga qabto. Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka labadaba waa ay gaabiyeen ayaan dhihi karaa inay dib u eegista Dastuurka ka dhigtaan ahmiyadda kowaad. Madaxweynahana waxay ahayd inuu kor kala socdo oo uu ku kontoroolo xukuumadda inay ka dhabeysey balan qaadkeedii ahaa inay ahmiyad siineyso Dastuurka.
  3. Miisaaniyadda dib u eegista Dastuurka: Waxaa ay xukuumaddu balan-qaadey Baarlamaankuna ansixiyey ilaa 3 million oo doolar oo lagu fuliyo qorshaha dib u eegista Dastuurka, balse weli wax fara ugu jira guddiyada dastuurka ma jiraan si ay howlihii u qorsheysnaa u fuliyaan. Arrintaas waxay keeneysaa in hay’adaha ajnabiga loo kala hormaro lagana sugo inay kuu maalgeliyaan Dastuur Soomaali leedahay!
  4. Dano Gaar ah: waxaa jira caqabado badan oo ka imaanaya shakhsiyaad kuna saleysan in natiijada dib u eegista Dastuurka ay noqoto mid ayaga farxad gelisa haddii kale ay is hor istaagaan inuu horey u socdo Dastuurka. Waxaa intaas dheer in kuwa kale ay ka leeyihiin dano dhaqaale oo ay rabaan inay mashruuc la maalo ka dhigtaan una irmaanaado sanado soo socda.
  5. Arrimaha heshiis siyaasadeed u baahan: waxaa ay Baarlamaankii 9aad ka sheegteen in arrimaha siyaasiyan la isku haysto ay caqabad yihiin. Arrimahaas oo weli taagan waxaa ka mid ah qodobada 8aad, 9aad, 44aad, 54aad, 122aad iyo guud ahaan cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad. Weli caqabadahan waa ay taagan yihiin waxaana laga yaabaa inay sii ragaadiyaan dib u eegista Dastuurka.
  6. Ajnabiga: Inkastoo ay Soomaali ahaan qalad nagu tahay in shaqada inoo taalo aan ku eedeyno in ajnabiga caqabad ku yihiin, hadana waxaa jira hay’ado caalami ah iyo kuwa UNka oo gacmaha kula jira arrimaha dib u eegista Dastuurka iskuna daya inay Soomaalida u yeeriyaan sida ay wax u qabsanayaan islamarkaana u kala warqaada. Muddadii 13ka sano ahayd ee Dastuurkan sameyntiisa iyo dib u eegistiisa soo socotey waxaa lagu qiyaasay ilaa $60 malyuun oo doolar inay ku baxdey laakiin siyaabo qaldan loo isticmaaley waxaase ka sii daran in weli ay socoto oo tobonaan malyuun oo doolar lagu gorgortamayo. Soo ma ahayn beesha caalamka inay iska joojiyaan lacagahaas haddii aaney natiijo soo saareynin
  7. Haddaba Dastuurka Soomaaliya iyo dib u eegistiisa waxaa loo baahan yahay in caqabadahan iyo kuwo kaleba looga gudbo mas’uuliyad wadareed iyo mid hay’adeed. Waxaana loo baahan yahay in hay’adaha Dastuuriga ah oo uu ugu horeeyo Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha, xukuumadda, dawlad goboleedyada iyo guud ahaan dadweynaha uu mid walba qaato dowrka kaga aadan sidii lagu heli lahaa Dastuur dhameystiran oo ay raali isaga yihiin dhamaan Soomaalida.

 

The post Khilaaf xooggan oo hareeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this