Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa iska bedelay xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho & Ciidamadii la dhigay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo muddo Seddex cisho ah ay xirnaayeen waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saaka dib loo furay dhammaan waddooyinkii xirnaa.

Waddooyinka saaka la furay ayaa ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, kadib markii ay Hay’adaha amaanka u xireen sababo la xiriira amaanka.

Waddooyinka saaka dib loo furay ayaa waxaa ku go’naa gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bilaha, halka qaarna ay ku xirnaayen dhagxaan waaweyn iyadoona Saakay dib loo furay.

Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka ayaa xaqiijiyay in saakay loo ogolaaday in ay maraan wadooyinka, islamarkaana la qaaday qadkii cagaarnaa ee maalmahaan lagu shaqeynaayay.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in mudada ay xirnaayen waddooyinka Muqdisho ay ahaayen shaqo la’aan kaga imaaday waddooyinka xiran, waxa ayna sheegeen in Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybooda, islamarkaana ay ku qabaan dhibaato culus.

Dhainaca kale, Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay qaraxyo iyo Weerro toos ah ay ku qaadeen al-Shabaab xarumo ku yaalla Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa iska bedelay xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho & Ciidamadii la dhigay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this