Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga difaaca baarlamaanka oo AMISOM ugu baaqay u diyaar garowga la xisaabtan dhab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga difaaca baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay la xisaabtamayaan taliska ciidamada AMISOM ee Somalia.

Gudoomiyaha Guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise, oo la hadlay warbaahinta ayaa asheegay inaanu macquul aheyn in AMISOM ay ku kacdo wixii maskaxdeeda kasoo maaxa, waxa uuna tilmaamay inay diyaar u yihiin la xisaabtan.

Waxa uu Xuseen Carab Ciise tilmaamay in la xisaabtankooda uu ka bilaaban doono dhanka Howlgalada ay AMISOM ku joogan Somalia iyo hanaanka aadka u liita oo ay ku shaqeeyan.

Xuseen Carab Ciise waxaa uu sheegay in ciidanka AMISOM hawlgalkooda uu daba dheeraaday islamarkaana loo baahan yahay in lagala xisaabtamo waxyaabaha u qabsoomay.

‘’Haddii AMISOM ay moodo inay howl-wanaagsan ka heyso Somalia ha ogaadan maaha mid dhameystiran ee waa mid la daba dheereeyay’’

Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise waxa uu carab ***** in shirkii AMISOM iyo Somalia ee lagu soo gaba gabeeyay Kampala ay la tageen qorshe ka hadlaya tayada Ciidamada dowladda Somalia oo aan sidii loo baahnaa aheyn.

Xuseen Carab Ciise waxa uu sheegay in Ciidamada Somalia ay u diyaarsan yihiin dagaalka al-Shabaab hayeeshee aysan haysan qalab ku filan ,beddelkoodana Ciidanka Amisom ay shaqeeyaan.

Dhianaca kale, waxa uu sheegay Xildhibaanka in ahmiyad gaara ay u arkaan in AMISOM lagu soo xiro go’aan leysla ogyahay isla markaana la helo meel loo raaco inta ay ku jiraan howlgalada ka socda Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guddiga difaaca baarlamaanka oo AMISOM ugu baaqay u diyaar garowga la xisaabtan dhab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this