Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta keentay inay kordhaan Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku biiraya Al-shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeeyska Daily Nation ayaa daabacay Warbixin dheer oo muujineeysa in ay kordheen Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku Biiray Al-shabaab iyo kuwa Ciidamada Amaanku ay Xireen iyagoo Damacsan in ay ku Biiraan Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Haweenka warbixintaan lagu xusay Qaarkood waxaa ay ka mid ahaayeen Ardayda Jaamacadaha oo isaga tagay wax barashadda halka qaar kalena Markii ay Jaamacadaha dhameeyeen ay ku biireen Al-shabaaab.

Khadija Abubakar oo jaamacadda Kenya ku taala ka baraneeysay Culuumta Daawooyinka ayaa 15 March 2017 Ciidamadda Amanku Xabsiga dhigeen kadib markii la qabtay iyadoo qorsheeyneeysa in ay Al-shabaab ku Biirto.

Cilmi baaris uu sameeyay Machadka Daraasaadka Amniga ee Qaaradda Africa ayaa muujineeysa in ay kordheen Haweenka ku biiraya Al-shabaab waxaana Daraasadaas ka soo muuqday in Haweenka ugu badan ay Kenya u dhasheen waxaa sido kale ku jira Haween u dhashay Tanzania.

In tii daraasaddu ay socotay Machadku wuxuu la hadlay 108 Haween ah oo ku kala Sugnaa Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Garissa, Diani, Kwale iyo Kisumu iyo Haween kale oo kasoo laabtay Al-shabaab oo ay Muddo ka mid ahaayeen.

Daraasadda ayaa sidoo kale waxaa ay Muujisay in Haweenku ay Kaalin muhiim ah ku leeyihiin  howlaha Al-shabaab, Shaqooyinka ay u qabtaana waxaa ugu Muhiimsan Sirdoonka oo ay kaalin Lixaad leh ka qaataan.

Horay Booliiska Kenya ayaa xiray Haween lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen fal Basaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxay tahay sababta keentay inay kordhaan Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku biiraya Al-shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this