Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda ee Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Askar ka tirsan Ciidanka Birmadka dowladda Puntland ayaa saaka gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho,sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha Wasaaraddaasi.

Mid kamid ah shaqaalaha Wasaaraddaasi oo diiday in magaciisa la xigto ayaa PUNTLAND POST u sheegay in askar hubaysan ay saaka la wareeegtay xaruntii Wasaaradda iyo Bangigii,islamarkaana ay dhammaan shaqaalihii ku amreen in ay isaga baxaan xafiisyada,kadibna ay albaabada isugu laabeen.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan askarta saaka la wareegay xarunta Wasaaradda iyo Bangiga ee magaaalada Qardho,ayaa PUNTLAND POST u sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,taasoo ay Waaraddu ku fashilantay in ay siiiso,sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin cabashada askartaasi ee ku aaddan in ay mushar la’aan yihiin muddo saddex bilood,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Birmadka Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya

The post Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda ee Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this