Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo mar kale khatar ugu jirta inay ku laabato Abaartii Sima iyo Roobka Guga oo Saadaal aan wanaagsanayn laga bixiyay. .

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin lagusoo qoray bogga hay’adda biyaha iyo macluumaadka dhulka ee Swalim, ayaa looga halday xaalada Abaareed ee ka jirta Soomaaliya, kadib yaraanshihii xilli Roobaadkii hore ee Dayrta.

Hay’adda Swalim waxay sheegtay xilli Roobaadka Guga ee fooda naguusoo in uu ahaandoono mid biyihiisu ku yaraandoonaan inta ugu badan Soomaaliya, marka laga reebo gobolada Puntland iyo Somaliland, kuwaas umuuqda inay helidoonaan Roobab fiican.

Hay’addu waxay tilmaamtay gobolada ay kamid yihiin Koonfurta Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool iyo guud ahaan gobolada koonfureed inay helidoonaan roob aad uyar, waa sida saadaasha hawadu tilmaamayso.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo meelo badan oo Soomaaliya katirsan ay ka jiraan Abaaro xoogan oo ka dhashay yaraanshaha xilli Roobaadkii Dayrta ee sannadkii tagay.

Puntland iyo Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqay xaalad abaareed oo ka jirta degaanadooda, iyagoo hoosya ka xariiqay in haddii Roobka Guga aanu si fiican loo gelin halis loogu jiro in dib loogu laabto Abaartii Sima ee sannadkii 2016 ku dhufatay Soomaaliya.

Abaarta Sima ayaa geysatay khasaare lixaad leh oo Dad iyo Duunyo isugu jira, waxaana weli saameynteedii ay ka jirtaa dhul badan oo Soomaaliya katirsan, kuwaas oo dadkii ku noolaa ay xoolahoodii ku waayeen, barakacna ku noqdeen magaalooyinka.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this