Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo Qorsheeynaya Mooshin ka dhan Heshiiskii Ber Bera

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda wado qorsho ay mooshin kaga gudbinayaan heshiiskii dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada DP-World.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali  oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskaasi iyo qaabka loo qeeybsaday Saamiga.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad oo furmi doono maalmaha soo socdo ay Baarlamaanka horgeeyn doonaan mooshin arintaasi ay kaga soo horjeedaan.

Waxa uu sheegay in heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliland iyo DP World uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn Baarlamaanka uu matalaya shacabka Soomaaliyeedna ay ka hor imaan doonaan.

Dhowaan ayeey aheyd markii Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka soo laabtay safar uu ku tagay Imaaraadka uu sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii Soomaaliland iyo Imaaraadka.

Soomaaliland ayaa ka jawaabtay arintaan iyada oo sheegtay in Soomaaliland ay u madax banaantahay heshiisyada ay galeeyso.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo Qorsheeynaya Mooshin ka dhan Heshiiskii Ber Bera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this