Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Simon Mulongo oo isbitaalka AMISOM ku booqday dhaawacyada ciidamada Burundi ee weerarkii Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Isbitaalka AMISOM ee heerka labaad oo ku yaal xaruntooda Xalane ayaa la keenay dhaawacyadii ciidamadii kusoo dhaawacmay weerarkii Jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ciidamada AMISOM galbinayeen, kuwaasoo siday gargaar bini’aadanimo, weerarkaasi oo ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Kuixgeenka madaxa AMISOM Simom Mulongo ayaa isbitaalka ku booqday askartaasi kusoo dhaawacmay weerarka Al-Shabaab la beegsadeen, isagoona ku ammaanay geesinimada askarta ka hortagtay weerarka argagixisada iyo sidoo kale geesinimada joogtada ah ee ay ku gutaan waajibkooda kaasoo xaqiijinaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Mulongo ayaa sidoo kale la kulmay maamulka cisbiitaalka AMISOM isagoo bogaadiyay nafhurnimada ay ku badbaadiyaan nolosha ciidamada AMISOM, iyo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ka faa’iidaysta adeegyada cisbitaalka.

Taliska AMISOM ayaa weli ilaa hadda faah faahin rasmi ah ka bixin khasaaraha weerarkii jimcihii lala beegsaday askarta Burundi ee ka tirsan AMISOM.Simon-Mulongo-dhaawacyo-1.jpg?resize=696 Simon-Mulongo-dhaawacyo-2.jpg?resize=696 Simon-Mulongo-dhaawacyo-3.jpg?resize=696 Simon-Mulongo-dhaawacyo-4.jpg?resize=696

The post Sawirro: Simon Mulongo oo isbitaalka AMISOM ku booqday dhaawacyada ciidamada Burundi ee weerarkii Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this