Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay xili Amnigu uu faraha kasii baxayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Caasimada Somalia ayaa haawaneysa maalintii labaad, ciidamada Dowladda ayaa kala xiray magaaladda oo malaha yeelatay muuqaal colaadeed, kooxdda Al Shabaab ayaa awood ahaan u muuqata mid soo xoogeystay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Dowladda ayaa xooga saaraya Amniga wadada dheer ee Maka Al-Mukarama oo nolasha Dowladdu ay ku xirantahay, asbuucii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay dilalka iyo qaraxyadda, Dowladdu ma muujin inuu jiro fashil Amni.

Qarixii iyo weerarkii lagu qaaday asbuuc ka hor Hotel Doorbin iyo aaga madaxtooyada oo ay 45 ruux ku dhimatay ayaa fure u ahaa silsilado weeraro iyo qaraxyo ah oo ka yimid dhanka kooxda Al Shabaab, weerar ismiidamin ahaa ayaa lagu qaaday bar koontarool oo ay ciidanka Dowladdu ku lahaayeen Siinka Dheer kaas oo lagu dilay 20 askari ,ismiidaamin kale oo dhimasho sababtay ayaa ka dhacday Afgooye, ciidamo Dowlada ka tirsanaa oo siday Askar dhaawac ah ayaa lagu laayay aaga Carbiska, Alshabaab ayaa xoog kula wareegay degmada Balcad oo Xamar u jirta 30km, waxaa intaa dheeraa hoobiyaal lagu garaacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, dad toogasho lagu dilay iyo digniino sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay kusoo xaroodeen Muqdisho, dhacdooyinkaan wali Dowladdu uma aragto fashil amni.

11-1.jpg?resize=479%2C469&ssl=1

Wasiirka Amniga ee Somalia waa ganacsade Maxamed Abuukar Isloow, sidoo kale rag ku yimid nidaamka saaxiibtinimada dadban ayaa la wareegay hogaanka ciidanka Somalia kuwaas oo ay dad badani aaminsanyihiin inuusan ku jirin qof lagu soo xulay waayo aragnimo ciidan.

Dadka Muqdisho ku nool ayaa ku doodaya in Dowladdu ay mar walba xirto isku socodka magaalada hadana aysan awoodin iney ka hor tagto halista Al Shabaab, balan qaadyadii madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee xiligii ololaha doorashada waxaa ka mid aheyd in hadii uu amni keeni waayo uusan wadooyinka xiri doonin ee uu isagu fuuli doono gaadiidka Amisom dadkuna ay jidadka si xor ah ku mari doonaan.

Qaabka cusub ee loo xiray jidadka Muqdisho ayaa dadka qaar soo xasuusisay xiligii ay magaaladu qadka cagaaran lahaan jirtay, ilaa 2 jeer oo wasiirka Amniga loo jeediyay inuu is casilo waxaa ka hor yimid Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la sheego inuu xiriir ganacsi oo qoto dheer uu kala dhaxeeyo wasiir Isloow.

Madaxda sare kama hadal halista amni ee soo korartay umana muuqdaan kuwa doonaya iney ka hadlaan, dad badan ayaa is weydiinaya ilaa mudada ay xukuumadu ka carari doonto iney ka run sheegto waxa socda.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com

The post Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay xili Amnigu uu faraha kasii baxayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this