Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somaliland oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu heshiiskii Dekedda Berbera ee dhexmaray – Shirkadda DP World ee Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin, ayaa waxaa hadalkaas ka jawaabtay Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax [Guri Barwaaqo] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa hadalladii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku tilmaamay mid aanay aqbali Karin oo iska-horimaanaya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay la gasho heshiis ciddii ay doonto, isla markaana uu dhigayo Dastuurkeeda, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’een sannadkii 1991-kii.

wasiir-guri-barwaaqo.jpg?resize=354%2C19“Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhex-maray Somaliland, DP World iyo Dowladda Itoobiya ma ahayn mid cusub, balse uu ahaa heshiis dhameystir ah, waana in sidaas loo ogaado,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inuu mideeyo Degmooyinka Muqdisho oo aanu maamulin, intii uu ka hadli lahaa midnimada Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Somalilland ayaa ku tilmamaay mid aan maquul ahayn hadallada RW Somalia ay ka mid ahaayeen in dastuurka dalka u yaalla aanu ogoleyn in heshiis ay gasho cid kale oo aan ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ahayd inuu ogaado in Somalia iyo Somailland aanay isku dastuur ahayn.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayaa waxaa dalka Imaaraadka uu heshiis muran badan dhaliyay ku dhexmaray Somailland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka, kaasoo qeexaya in Somaliland ay saamiga Dekedda Berbera ka helayso 30%, halka DP World ay helayso 51%, sidoo kalena ay Itoobiya helay 19%.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Somaliland oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this