Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo iska fogeeyay inay masuul yihiin doorashada 2019.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada Puntland ee TPEC, ayaa maanta iska fogeeyay inay masuul ka yihiin doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019, kadib markii dhawaanahaan uu muran ka dhashay hadal uu siidaayay afhayeenka xukuumada, Cabdulaahi Quraanjecel, kaasoo sheegay in guddiga TPEC uu dowladda mas’uul uga yahay arrimaha doorashada.

Hadalka afhayeenka kasoo yeeray oo ku jiray wareysi uu siiyay BBC Somali,  ayay dad badani u fasirteen inuu ula jeeday in guddiga TPEC uu masuul dowladda uga yahay doorashada madaxtinimada ee sannadka 2019.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdiraxmaan Diiriye ayaa madal ay maanta isugu yimaadeen guddiga doorashdam xubno ka socday ururada siyaasada iyo wasiirro dowladda ka socday wuxuu sheegay guddigoodu inuu waqtigoodu ku eg yahay marka ay soo dhisaan saddex xisbi siyaasadeed ee ku tartamidoono doorashooyinka golayaasha degaanka.

Guddoomiyaha TPEC waxaa uu muujinayay culayskii ka dhashay qaabkii loo fasirtay hadalkii afhayeenka xukuumada Puntland, isagoo sheegay inuusan guddigoodu masuul ahayn wax doorasho ah, shaqadooduna aysan dhaafsiisnayn soo dhisida xisbiyadii ka qeyb gali lahaa doorashada.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this