Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Mahsruuca marwada caafimaadka oo lagu daahfuray magaalada Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, Dr, Cabdinaasir Cismaan Cuuke  ayaa maanta magaalada Garowe ku daahfuray mashruuc lagu magacaabo Marwo Caafimaad, oo ah mashruuc kor loogu qaadidoono caafimaadka hooyada iyo ubadka.

Mashruucaan ayaa lagu caawindoonaa hooyada iyo dhallaanka ku dhaqan Puntland, iyadoo diirada la saarayo waxbaridda iyo kaalmeynta hooyada uurka leh iyo horumarinta caafimaadka aasaasiga ah ee ay hooyada iyo ubadka da´dooda ka hooseyso 5 sano u baahan yihiin.

Muhiimada laga leeyahay Mashruucaan ayaa ah, hakinta umul-raaca tirada badan ee ragaadiyey bulshada Soomaaliyeed iyo in la helo tirakoobka ubadka dhashay bil- ama sanad walba.

Munaasabadii mashruucaan lagu daahfurayay waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka socotay dowladda Puntland, ururada mashruucaan ka wada shaqeynaya ee kala ah Somali Swedish Research Association SSRA, Poeh, HEG, ForumSyd iyo jaamacadda bariga Afrika.

Wajiga ugu horeeya ee mashruucaan ayaa sida uu qorshuhu wuxuu ahaandoona mid lagu tababaridoono haweenka ka shaqeeya caafimaadka, kuwaas oo dhawaan tababar caafimaad loogu furidoono xarunta jaamacadda bariga ee Garowe.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr, Cabdinaasir Cuuke ayaa soo dhoweeyay mashruucaan Marwada caafimaadka, isagoo sheegay inuu rajeynayo in dadka reer Puntland si weyn uga faa’idaysandoonaan. Waxaa kale oo wasiirku sheegay inuu qeyb ka ahaandoono dadaalada wasaaraddu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

IMG_0785.jpg IMG_0786.jpg MG_0756.jpg MG_0758.jpg MG_0760.jpg MG_0823.jpg IMG_0769.jpg IMG_0771.jpg IMG_0772.jpg IMG_0778.jpg IMG_0779.jpg IMG_0780.jpg IMG_0782.jpg IMG_0784.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this