Tuujiye Posted June 10, 2004 coke hadee kaa dhamato pepsi aa lagu badalaa.. jaaw.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qac Qaac Posted June 10, 2004 LABAATAN JIR SIDUU GEED OO GA BOODA AYUU TALO OO GA BOODAA!!! xikmah weeye tani. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted June 10, 2004 dameer isku haleyn bey hooyadeed dabada u nuugtaa Islaanta haruurka tuuntaa inaanteedu haadiskey barataa. Laba xaran ku heshiisaa xalashey ku coloobaan I got a million but my mind wont spit them out.Waan ku soo noqon doonaa IA.Intiina kale dont copy and paste write only those proverbs you know.Takes the fun out of the game if you copy and paste........... Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted June 10, 2004 Farsamo xumo Futada cankeeday ku goysaa! Doqoni usha agteedaa lagu dhuftaa Haday garan weydana iyadaa lala dhacaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted June 10, 2004 Gediid Intiina kale dont copy and paste write only those proverbs you know.Takes the fun out of the game if you copy and paste........... That disqualifies me bro Nice to see you anyways. What i'm more intersted in is the origins and stories behind the 'sayings' (not proverbs) we use almost everyday. For example we all know what the story of saying: Timirtii horeba dab loo waa Does anyone know stories behind any of the famous 'sayings'? peace! Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted June 10, 2004 another famous saying Wixii la qariyo qurun baa ku jira my moms used ta say that to me alot... yall can tell i was a mischievous ey asxantu Quote Share this post Link to post Share on other sites
OG Moti Posted June 11, 2004 1. Luuq Luuq marow, laami aas kudanbeeyaa 2. Nin isfaaniyey, waa sac heeso laheen 3. Fulay ilmo aas koriyaa, geesi qabri aas ku ordaa 4. Odey bareeray, waa naf dhibootay 5. Baraf ninkii cuna, hargab yuusan ka qelin , these are the most wise and well known sayings in all over Somalia... peace Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qac Qaac Posted June 11, 2004 GEERI GEEL JIRO IYO WIXII AA LA AQOON BAY KU FIICANTAHAY. TUUG LAQABTAY TALO MALAHA NINKII LAGA WAAYO SOO JOOG, SOO JIIFSO BAA LAGA HELAA XOOG MAROODI BAA DUURKA KULA JIRA... bas bas hee, ma sii wadaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted June 11, 2004 Checkmate here are some old writeup of mine, hope it is what you r looking for 1) Waxaa Zuhdiga ( nolosha adduunka oo hammigeeda la yareysto) laga wareystay Al Xasan Al Basri, wuxuu ku jawaabay: Waxaan ogaaday in qofkale uusan risqigeyga qaadaneyn, markaasaa qalbigeyga dagay Waxaan ogaaday in howsheydu ayan qofkale sugeyn, markaasaan keligey qabtay Waxaan ogaaadey in Allah uu i eegayo ( ii jeedo), markaasaan ka xishooday inuu inuu i igu arko macsiyo Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, markaasaan u diyaariyey sahay aan kula kulmo Rabbigeyga. 2) Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro: 1. Inanta oo loo guuriyo 2. Martisoorka martida 3. Deyn la biixiyo 4. Danbi laga towbo keeno 5. Meytka oo la duugo ( aaso) 3) Saaxibnimada Nin Murti badan ayaa wuxuu yidhi: Haddad qof la saaxiibto, ka yeelo akhayaarta asxaab, maxaa yeelay fujjaarta wa dhgax ayan biyo ka soo burqan, geed aan cagaar leheyn, dhul aan dhir ka soo bixin. Shan ha ka yeelan saaxib: Faasiq, maxaa yeelay cunno wexey ugu yartahay buu kugu iibsan Bakhaylka, adoo gargaar maal u baahan buu kaaga baxaya Beenlow, waa sida dhalanteedka, wuxuu ku soo dhoweeyaa wax fog, wuxuuna ka fogeeya waxa dhow Nacaska ( Dabbaalka), wuxuu dhibaato kuu keena asagoo raba inuu ku anfaco, Rixin Jaraha, maxaa yeelay allah ayaa nacladay. 4) Nin Xakiim ah ayaa waxaa la warsday: Imisa jir baad tahay? Wuxuu yidhi: Caafimaadkeygu waa wanaagsan yahay, Alxamdulillah Waxaa la warsaday: Lacag imisa ayaad meel dhigatay? Wuxuu yidhi: Deyn la iguma laha, Alxamdulillah Waxaa la warsday: Imisa cadow ayaad leedahay: Wauxuu yidhi: Qalbigeygu waa nadiif, carrabkeyguna waa dabran yahay. 5) Nin baa Allah baryay: Rabbiyow, waxaad ii hibeysay waxaa qalbigeyga la qurxan, rajadaada, Carrabkeygana wuxuu ku hadlo waxaa ugu macaan, xuskaaga Maalmahana waxaan ugu jeclahay, maalinka aan kula kulmi doono. 6) Nin Salafka ka mid ah ayaa wuxuu yidhi: Qofkii ku shuqultooma howsha aakhirada, Allah ayaa kaaa kaafiya adduunyadiisa Qofka hagaajiya xidhiidhka uu Allah la leeyahayna, Allah ayaa hagaajiya xdhiidhka uu dadka la leeyahay., Qofkii sirtiisa ay wanaagsanaato, Allah ayaa wanaajiya wixii ka dhaca oo erey ama camal ah oo muuqda. 7) Inan yar baa u dhimatay daacuun, markaasaa aabbaheed ku arkay riyo, wuxuu ku yidhi, aabbe, iiga sheekee aakhirada? wexey tiri, aabbe waxaannu u nimid arrin weyn, oon ogeyn, haseyeeshee aannan u shaqesyan jirin, Wallaahi , hal tasbiixsasho oo qudhah, ama hal rakcad, oo ku taalla warqaddaada ayaan ka jeclahay adduunka iyo wax ku jira oo dhan. 8 ) Naag baa la dardaarantay wiilkeeda : Maandjow, waxaan kuu dardaarmay inaad u noqoto walaashaa aabbe, ayadana waxaan kala dardaarmay iney kuu noqoto hooyo, ogowna iney kuu tahay marti, yaaney qaloon, ogowna dharka raganimadu inuu dab yahay, hadaba walaasha ha cidhiidhin, ogowna korgaagu si walba hadduu u weynaado, inuu ku dambeyn doono cunnada tixriga, hadaba ha ka hagran korkaaga inaad u kaalmeyso walaashaa, ogowna xidi walboo korkaaga ku jira oon ku dhiig bixin jihaadka allah dartiis, inuu uu dhiig bixi doono maalinka qiyaame yaxyah dartiis iyo cabsida Allah, markaasey naftii ka baxday,. 9) Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?" Wuxuu yidhi Murtilihii: 1. Wax sii, waxna ha ka qaadan 2. Garta ayaga sii, hana la garramin 3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin. Nur ------------------------------------------------- Kuwa iga da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga da' yar waa iga dambi yar yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted June 11, 2004 vaah,vaaah NUR walaaahi waxaan ayaa la yiraah daa murti, mahad sanid walaalkiis ilaahey ha kaa abaal mariyo wanaagaaga. Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?" Wuxuu yidhi Murtilihii: 1. Wax sii, waxna ha ka qaadan 2. Garta ayaga sii, hana la garramin 3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin. walaahi this one touched me the most maxaa yeelay nabigeena (salawaatul laahi calayhi wasalam) ayaa wuxuu yiri: those that will stand next to me in the day of judgement(qiyaama) is NOT those of you who made more salaad(prayers), is NOT those of you who read more qur'aan BUT those of you who had the best charecters in the dunya will..... maasha alaah yaa akheey, jazakumi llaah asxantu Quote Share this post Link to post Share on other sites
OG Moti Posted June 12, 2004 Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?" Wuxuu yidhi Murtilihii: 1. Wax sii, waxna ha ka qaadan 2. Garta ayaga sii, hana la garramin 3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin. Checkmate, man i feel the same... walahi i never knew these words were said by Imaam Ahmad, however My common sense told me long time ago, that the only way you gain other's respect, if you dont need them or ask them help, while not turning them if they need your help, that way we can build a society of independant and healthy members... Nur Jazakal lah kheyran sxb, can you please write the same words in English or Arabic, not that i am saying i dont know somali.. it for two reasons 1. Many here are ciyaal maayaqaalif, or whatz up people.. 2. Afsomaliga waa language complicated ah, mana aha complete language, sidaa daraadeen markaad murti ku isticmaasho, dad badan oo wali somali fiican ma fahmayaan durba, waa inaay kafakiraan oo aaah hadaan gartay dhahaan 3 saaco kadib... wa salaamu caleekum peace Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qac Qaac Posted June 12, 2004 Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro: 1. Inanta oo loo guuriyo 2. Martisoorka martida 3. Deyn la biixiyo 4. Danbi laga towbo keeno 5. Meytka oo la duugo ( aaso) Intaan baan ka helay anigana. Waa run runtii.masha'allah. Duqa Nuur waa ku dhufatay murtidii. Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted June 14, 2004 dhar magaalo sida lagu qaato waa fudu tahay , laakin dhal magaalo sida lagu noqdo waa dhib badan tahay Raga waxaa ugu liita: ma tashade, taada ma qaate , tuu keenana ku qabsatay asxantu Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted June 15, 2004 Nur that was full of wisdom. Here are two poems by the poet Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", who died earlier this month.(may Allah have mercy on him) Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Yuusuf Nuur Jaamac la odhan jirey oo uu ka dareemay inaanu u dheganugleyn cibaadada iyo cabsida Eebbe Wacdi Wedku kuuma oga yuusufoow wiil inaad tahaye Waagii beryaba mawdku waa kugu wareegaaye Waayeel caddaadiyo u siman weled saqiiriiye Inaan "Waarantiin" laysu qorin waa war la hubaaye ninbase maalintuu waaqif yahay waaxidkaa garane Aakhiro walaalaha dhabi wax isma siiyaane Waxad laguma soofsado adduun nin isu waaloowe Anaa wadarta reer hebel ah iyo waalid muu jiro Ninwaliba wixii uu dhigtaa waaran ugu yaalle "Waygii" Ilaahay nin jaray laga wanaag roone Shaydaan wixii weheshadaa weylintuu kace'e Weysada ha deynina ayuu inna wadeecaynne Ilaahay ka baqa Islaamnimadu waa door ninkii Eebbe solansiinne Aftalkeeda hore waa markaa la ashahaataaye Salaaddaa ayaan iyo ayaan la ijtihaadaaye Soonkaa anfaca maalintii laga adkaystaaye Sekadaa aduunkiyo dadkaba la iska oofshaaye Nin awoodi karayoow xajkaa lagu itaalaaye Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye Adxa iyo Fitrina waa jiraan labada iidoode Iyagana sunnaa lagu ismoo mu'akad weeyaane Ajri xoogleh baa laga helaa ururka maantaase Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye Allabariga waxa loo qalaa odayadeenniiye asaxaabigeennii dhintaa lagu addeecaaye Ehelkaan wixiid aad tartaan loogu anafoonne aakhiro wuxuu kugu noqdaa ololki naareede Itinkeeda waa laga durkaa dhaxal agoomeede Tuugiyo Ammaanaan la cunin oonna loo dayanne Eegmada habluhu waa waxaad ku ibtiloowdaaye Ololaa cayaartiyo Sinaa laga adkaystaaye Afkaagaa sukuud laga noqdaa odhahsan mooyane Awlaadsibaa lagu daraa duciyo aammiine Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites