Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waana inoo dagaal’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo lagu xaqiijin doono ammaanka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in ciidamada Xasilinta ee u xilsaaran ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari.

Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay isugu jiraan Millitari, Boolis, Nabadsugid, Asluub, iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku guda jiraan howlgalada loo dhameystiri doono dhammaan wixii tashiilaad ah, si buu yiri ay uga dhabeeyaan hadafka howlgalka.

Wuxuu tilmaamay in demgo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir laga hirgeliyay ciidamadaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, taasi bedelkeeda Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay Shacabka u naxaan.

Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa ‘’Waxaa la isku soo dhaweeyay Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha, si loo dardar geliyo sugidda howlaha ammaanka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.”

‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waa inoo dagaal’’

Dhinaca kale, Ciidamada ayaa kordhiyay Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo banaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kheyre ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waana inoo dagaal’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this