Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado lagu baadi-goobayo Meydadka & Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxsaday weerarkii Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal fool-ka-fool ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaaden ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamadan ayaa xiligii la weeraraayay waday saanad iyo Raashiin, waxaana ay maleeshiyada ku bilaabeen Qaraxyo iyo weerar toosa oo markii danbe sababay in laga gubo ku dhawaad 12 Gaari nooca gaashaaman ee dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in goobihii lagu Qarxiyay ciidamada Burundi ay weli yaalan hilbaha qeybo kamid ah ciidamada AMISOM ee shalay la weeraray.

Waxa ay dadku sheegeen in xaafadaha iyo hareeraha waddooyinka qaarkood laga helaayo Meydad ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaa oo la sheegay in maleeshiyada ay uga daba tageen meelaha ay ku baxsadeen.

Waxa ay sidoo kale sheegayaan inay jiraan ciidamo farabadan oo ku cararay hoodka xiliga uu weerarka dhacay kuwaa oo lagu baadi-goobaayo diyaarado Helikobter ah.

Sidoo kale, waxaa goobta lagu galay ciidamada ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo halkaa ka qaadaya hilbaha ciidamada iyo Gaadiidka la gubay.

Geesta kale, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa la dilay iyo kuwa baxsaday ayaa waxaa laga qaatay qoryo ku dhow 27 oo ah nooca meelaha fog wax ka toogta.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Diyaarado lagu baadi-goobayo Meydadka & Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxsaday weerarkii Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this