Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala soctaa tirada al-Shabaab looga dilay dagaalka Balcad & Hubka looga qabsaday dagaalka ? (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa dib u qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii maanta barqadii ay la wareegeen ciidamo ka tirsan al-Qaacidada Somalia ee al-Shabaab.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah manta kula wareegat Degmada Balcad, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay isaga baxeen kadib markii ay Qarxiyeen dhowr xarun oo ay ka carareen ciidamada iyo goobo kale.

Maleeshiyada ayaa qabsashada Balcad ka hor marisay Qaraxyo jahwareer galiyay ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa ayna Qaraxyada ugu badan khasaaro kasoo gaareen Ciidamada AMISOM oo xiligaa ku sugnaa meel u dhaw deegaanka Gololeey oo dhinaca waqooyi kaga beegan Balcad.

Ciidan aad u badan oo ka tirsan dowladda kana ambabaxay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ayaa suuragal ka dhigay inay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Balcad oo Shabaab ay ka baxeen.

Sidoo kale, Muddadi koobneyd ee ay Al Shabaab heysteen magaalada Balcad ayay wararku sheegayaan in ay galeen xarumaha dowlada, sida Xaruunta Maamulka Degmada iyo Saldhiga Boliska oo ay kasii daayeen maxaabiis ku xirneyd.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa dagaalka looga dilay 13 Maleeshiyo, waxaana laga qabsaday 14 qori iyo gaadiid ay maleeshiyada kusoo galeen magaalada Balcad, kuwaa oo ay uga carareen dagaalka, halka qaarna ay la baxsadeen.

Dhinaca kale, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Xarunta Degmada iyo Saldhiga Boliska kala baxay Kumbiyuutaro iyo Dukumiintiyo ay ka buuxsadeen Jawaano.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Maxaa kala soctaa tirada al-Shabaab looga dilay dagaalka Balcad & Hubka looga qabsaday dagaalka ? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this