Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo arrin muhiima ku sheegay qodobada kasoo bixi doona shirka Kampala

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa ka hadlay arrimaha looga hadlayo shirka ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia, waxa uuna farta ku goday in xooga lagu saarayo arrimaha amaanka.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in shirka si guud looga hadli doono arrimaha argagixisada, waxa uuna tilmaamay inay fursad u tahay Somalia.

Madaxweynuhu waxa uu intaa raaciyay Somalia in waxyaabaha uu shirka ka caawin doono Somalia ay kamid tahay sida looga gaashaman lahaa awoodo ay sheegaan waxa loogu yeero argagixisada, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia xooga ku saari doonto si loosoo afjaro Shabaabka.

‘’Ahmiyadeenu waxaa inaan dowladaha martida ku ah u sheegnaa in Somalia ay diyaar u tahay in lagu garabsiiyo sida al-Shabaab looga saari lahaa Somalia’’

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay rajeynayaan in shirka oo hadda socda kusoo dhammaan doono guul la taabankaro waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida ay Somalia uga xoroobi laheyd argagixisada.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay in al-Shabaab aysan khatar ku aheyn Somalia oo qura, balse ay khatar ku yihiin dhammaan dowladaha Africa loona baahan yahay in laga gaashaanto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo arrin muhiima ku sheegay qodobada kasoo bixi doona shirka Kampala appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this