Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somalia oo sharci-darro ku Tilmaantay Heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

dp-world-1-1024x683.jpg?resize=820%2C509Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada-galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Shirkadda DP World, ayaa shalay ku dhawaaqday in heshiiska Dekedda Berbera saami dhan 19% ay ku yeelaneyso Dowladda Itoobiya, halka ay Somaliland ku yeelanayso 30%, Shirkadda DP World ay iyaduna helayso saami dhan 51%.

Bayaankan ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka ayaa hoosta looga xariiqay in heshiiskan uu yahay mid lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Waxayna intaas ku dartay in heshiiskan uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan loo marin Dastuurka KMG ah ee Somalia.

Ugu dambeyn, Qoraalkaka Wasaarada ayaa lagu xusay in dowladda Somalia aanay qayb ka ahayn, cidna wakiil uga aheyn heshiiskaas in lala saxiixdo DP World.

Haddaba AKHRISO War-saxaafadda kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka DFS;
DF_oo_ka_hadaashay_heshiiska_Dekedda_Ber
PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Somalia oo sharci-darro ku Tilmaantay Heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this