Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada qaar kamid ah Saraakiisha Shabaab looga dilay Gobolka Gado oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay Tuulooyin hoosyimaada Gobolka Gado.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid khaas ah, isla markaana laga gaaray ujeedkii laga lahaa.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in howlgalkan uu si gaar ah uga dhacay Tuulooyinka kala ah Caanoole, Barrow Diinle, Daahir Malin iyo Cali Xareed.

Waxa ay tilmaameen saraakiishu in tuulada Caanoole lagu dilay 2 sarkaal iyo Dagaalyahano tiradooda ay ka badan tahay 20.

General Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xooggan isla markaasna ay si wada jir ah ay iskaga kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah.

General Ismaaciil Saxardiid, wuxuu sheegay labada sarkaal ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Mahad Cabdi Kariin iyo Cabdulaahi Macalin Geeddow.

General Ismaaciil Saxardiid, wuxuu sheegay in Mahad C/kariin uu ahaa Sarkaalka Shabaab ee degaanka Caanoole, halka C/laahi Macalin Geeddow uu ahaa sarkaalka Shabaab ee degaanka Barrow Diinle.

Dhinaca kale, General Saxardiid waxa uu tilmaamay in tuuloyinka kala ah Caanoole, Barrow diinle, Daahir Malin iyo Cali Xareed ay markii hore joogeen Al-shabaab balse hada ay soo gashay gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Magacyada qaar kamid ah Saraakiisha Shabaab looga dilay Gobolka Gado oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this