Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal qaraar oo ka socda Balcad & Al-Shabaab oo qarxisay qeybo kamid ah Xarumaha maamulka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal qaraaran uu iminka ka socdo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo goordhow bilowday ayaa waxaa uu u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab, waxa uuna dagaalka ka danbeeyay kadib markii maleeshiyada ay weerar abaabulan ku qaadeen xarumo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Maleeshiyada al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa degmada kasoo weeraray jihooyin kala duwan, waxaana hada la soo warinayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Maleeshiyada ayaa dagaalka hadda socda kula wareegtay gacan ku heynta meelo ka mid ah degmada, sida xarunta degmada iyo saldhiga Ciidanka Booliska, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda.

Maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal ayaa lasoo sheegayaa in lagu arkaayo qeybo kamid ah Degmada, waxa ayna ciidamada dowlada faarujiyeen qeybo kamid ah Degmada oo iminka ay maamulayaan al-Shabaabka.

Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarxisay qaar kamid ah Xarumaha maamulka Degmada Balcad, waxa ayna khudbad u jeediyeen dadka deegaanka.

Waxaa cakiran xaalada Degmada Balcad waxaana ka socda dagaal leysu adeegsanaayo Hubka qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Dagaal qaraar oo ka socda Balcad & Al-Shabaab oo qarxisay qeybo kamid ah Xarumaha maamulka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this