Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada ay degan yihiin ciidamada DF ee uu Tababaray Imaaraadka (Yaa ka danbeeyay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah goordhow lagu qaaday xarun ay ciidamada uu tababaray Imaaraadka ku leeyihiin degmadaas.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo uu waday ruux naftii halige ah, kaa oo ku Qarxay  Xarunta ciidanka.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlaayay qeybo badan ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaan NOAH oo uu waday naftii halige.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ahaa ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta oo saldhig ku lahaa degmada Afgooye.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidanka Dowladda oo ay tababartay Imaaraadka.

Goobta uu ku Qarxay gaariga ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ku dhow Toban iyo afar, waxaana Qaraxa kadib ay ciidamadu isku gadaameen goobta uu Qaraxa ka dhacay si ay u fidiyaan gurmad.

C/fitaax Xaaji Cabdulle, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa qiray in Qaraxa uu ka dhashay Qasaaro xoogan.

Goobjooge ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay Meydadka 11 ruux, oo ay ku jiraan ciidamo dhowr ah, waxa uuna tilmaamay in goobta uu ku Qarxay gaariga xiligaa ay taagnaayen dad farabadan oo qaarkood aan lagu heyn nolol iyo geeri, sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada ay kor u dhaafayaan Toban ruux oo ay ku jiraan Ciidamo.

Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka waxa ayna tilmaameen inay u adeegsadeen Gaari Qarax,ku dileen Ciidamo, kuna burburiyeen dhismaha saldhigga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada ay degan yihiin ciidamada DF ee uu Tababaray Imaaraadka (Yaa ka danbeeyay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this