Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinada Shabaab oo qoraya in 13 Baabuur laga gubay Ciidamada AMISOM kadib dagaal ka dhacay Duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay xaalada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo inta badan degmada Balcad ay la wareegeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in kahor inta aysan gudaha u soo galin degmada Balcad ay dagaalyahano ka tiran Alshabaab ay weerareen kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka degmada Balcad iyadoo la gubay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab halka gaadiid kuwa xamuulka qaada ah oo saad u sidey saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar.

Warbaahinta ku hadasho afka Shabaab ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab  cagta mariyeen kolonyadii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, iyadoo ay sheegayaan in la gubay illaa 13 Baabuurta Gaashaaman oo ay lahaayeen Ciidamadaas kadib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Balcad.

Sidoo kale warbaahinadaas ayaa soo gudbinayo in ay Ciidamada Shabaab la wareegeen jidka isku xiro Balcad iyo Afgooye.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maraya Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM hase yeeshee waxaa la geeyay deegaanka Qalimow qaar ka mid ah ciidamada AMISOM oo dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku howlgali jirtey idaacad maxali ah oo ka howlgalaysay degmada taasoo la yiraahdo Radio Balcad.

Waxaana go’an isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar iyadoo gaadiid badan oo saaka ka soo tegey magaalada Muqdisho ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Balcad halka gaadiid kale oo dad rakaab ah saaran yihiina ay ku xayiran yihiin duleedka Waqooyi ee degmada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Warbaahinada Shabaab oo qoraya in 13 Baabuur laga gubay Ciidamada AMISOM kadib dagaal ka dhacay Duleedka Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this