Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Al-shabaab Oo lawareegtay Degmada Balcad Oo Muqdisho ujirta 37km

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in  degmada Balcad iyo qaybo kamid ah  ay la wareegeen gacan ku haynteeda maanta kooxda Al-shabaab.

Degmada balcad ayaa Magaaalada Muqdisho waxa ay ujirtaa qiyaastii 37km taas oo qatar ku ah Xukuumada Soomaaliya iyo Amniga dalka siiba Caasimada.

Al-shabaab ayaa waxa ay gudaha ugaleen Xaruntii degmada iyo Saldhigii Ciidamada Booliska ee degmada Balcad.

ilaa iyo hada lama hubo khasaaraha ka dhashay weerarkan maanta ay ku qabsadeen Al-shabaab degmada Barlacd oo ah magaalo Istiraatiiji ah, waxaana ku sugnaa Saldhigii ay Al-shabaab gudaha ugashay  Ciidamada Amisom.

Dadka deegaanka ayaa Puntlandi usheegay in ay jiraan dad shacab ah oo hubkii layswaydaar saday ay waxyeelo ka soo gaartay .

Degmada Balcad ayaa kujirta xaalad cakiran ,waxaana jirin wax isku socod aha oo dadka iyo gaadiidka toona.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this