Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax ismiidaam ah ayaa ka dhacay barkoontarool oo ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka siinka dheer ee duleedka Muqdisho waxaana uu  qaraxu yimid kadib markii  gaari uu waday shaqsi isa soo miidaamiyay uu galay goob gaadiidka lagu baaro oo halkasi ku taala  uuna is qarxiyay.

Mid kamid ah dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka siinka dheer ee duleedka muqdisho ayaa idaacada kulmiye u sheegay sida uu qaraxa u dhacay waxaana uu sheegay in inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen Sadex qof oo  labo shacab yihiin halka   midka kale uu yahay askari ka tirsanciidanki ku sugnaa barta koontarool ee siinka dheer.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Ciidamada Amaanka kahor tageeen gaari nuuca raaxada ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa oo doonayay inuu u gudbo Gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxani oo ah mid loo adeegsaday gaari ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay isa soo tarayaan digniinaha la bixinayo ee ku aadan in ay jiraan  qaraxyo lala damacsanyahay gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay shalay oo ay Qaramada midoobey iyo qaar kamid ah Safaaradaha ku yaala muqdisho ay soo saareen digniin dhanka Amniga ah.

Faarax Cabdullaahi Xasan  oo ka tirsan Maamulka degmada Kaxda ayaa sheegay in Gaariga  oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.

“Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa ayuu yiri Faarax Cabdullaahi Xasan “.

Waxaana dhinaca kale war ay soo saareen Al-shabaab ku sheegteen in ay ka dambeeyeen qaraxa ka dhacay Siinka dheer waxaana ay sheegeen in ay ku dileen in kabadan 20 kamid ah askarta Nabad sigida Soomaaliya oo ku kulansanaa siinka dheer , mana jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo dhimashada askartaasi xaqiijin karta.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan,isla markaana ciidamadu ay dib u fureen isu-socodka dadka iyo Gaadiidka isticmaala Wadadaas ee kala aada Muqdisho iyo Afgoye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wararkii ugu dambeeyey Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this