Sign in to follow this  
Deeq A.

War murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa looga hadlay Amniga Puntland, Ilaalinta xuquuqda Ciidanka, Ansixinta xeerka Habka Hubinta Badeecadaha, Ka Hortagga khatarta kaallimaha shidaalka ee  Magaalooyinka waaweyn iyo  Ansixnta Xeerka  Shaqaalaha Rajidka ah ee  Puntland.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in amniga Puntland uu wacan yahay, waxayna laamaha amnigu ku hawlan yihiin ka hortagga khatarta cadowga, waxaana ka socda magaalooyinka waaweyn baaritaano joogto ah, Isla markaana wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda Amniga inla  ilaaliyo xuquuqda ciidanka ku dhinta hawl-galka dalka.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta Ansixiyay xeerka Habka Hubinta Badeecadaha dalka soo gelaya  si looga hortago  waxyeelada badeecaha dhacay  iyo kuwa  sumaysan.

Golaha xukuumadda Dawladda  ayaa  ka dooday  sidii si  dhamesytiran loogu fulin lahaa dhammaan go’aamadii goluhu kasoo saaray  kharta kaallimada shidaalka  oo ku soo badanaya  magaalooyinka waaweyn, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan wasaaradda ay khusayso go’aamadaan in ay si dag dag ah uga  hawl-galaan.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this