Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Xarunta ay Ciidamada NISA Baabuurta ku baaraan ee Siinka Dheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka-dheer ee duleedka muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana Goobjoogayaal ay Dalsan u sheegeen in Gaariga uu ku qarxay Koontoroolka ay Ciidamada dowladda Gawaarida soo galeysa Muqdisho  ku baaraan  ee Siinka-dheer.

Wararka hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaya in Gaariga oo ahaa Nuuca raaxada oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho kadibna uu isku qarxiyay dhismo ay Ciidanka deganaayeen oo ku yaalo meel laamiga dhowr tilaab ujirta oo ay Ciidamada deganaayeen.

Waxaa la sheegay in Gaariga oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa haatan Goobta gaaray,waxana la xiray dhaq dhaqaaqii Gawaarida iyo dadweynaha ee koontoroolka Siinka-dheer.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku shaaciyay in weerar ismiidaamin ah ay la beegsadeen koontarool Ciidamada Nabadsugida ku sugnaayeen, ayna ku dileen 20 askari.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxan, sidoo kale waxaa jiray qarax goor sii horeysay laga maqlay agagaarka deegaanka Carbiska, kaasoo la sheegay in ciidamada ammaanka ay qarxiyeen.

Qaraxa goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa ku soo aadaya, xilli saaka la xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo heegan iyo feejignaan sare la geliyay ciidamada ammaanka, kaddib markii la helay digniino ku aadan weerar suurta gal ah in Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Xarunta ay Ciidamada NISA Baabuurta ku baaraan ee Siinka Dheer appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this