Sign in to follow this  
Deeq A.

Isgoosyada Muqdisho oo intooda badan Saaka u xiran hal arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa inta badan Saaka xiran Isgooysyada ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, halkaa oo la tubay ciidamo ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Isgoosyada Saaka xiran ayaa waxaa kamid ah sida Isgooyska Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale iyo Tarbuunka ee magaalada Muqdisho.

Isgoosyada xiran ayaa waxaa jooga ciidamo ka kala tirsan NISA iyo Booliska, kuwaa oo celinaaya dhammaan Gaadiidka Raaxada iyo kuwa BL-da ee isticmaala Isgoosyada aan kor kusoo xusnay.

Isgoosyada qaar ayaa waxaa ku go’an Gaadiidka dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa inay jirto cabsi ku aadan weeraro ay maleeshiyada al-Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.

Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho sanadihii dambe waxaa caado ka noqday waddooyinka ay isticmaalan shacabka oo si maalaayacni ay u jartaan ciidanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Isgoosyada Muqdisho oo intooda badan Saaka u xiran hal arrin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this